80,000 oo qof oo laga daadgureynaya magaalo ku taala dalka Vietnam

Dowladda wadanka Vietnam ayaa sheegtay inay magaalada Danang ee bartamaha dalkaas ka soo daadgureynayso 80,000 oo qof.
Tani ayaa timid kaddib markii saddex qof laga helay fayraska corona.
Waxaa shacabka lagu soo qaadaya diyaarado maxalli ah iyadoo uu qorshuhu yahay in howshan ay socoto afar cisho.
Maalin kasta waxaa shaqeynaya 100 duulimaad oo u kala gooshi doono magaalada Danang oo caan ku ah arrimaha dalxiiska iyo 11 ka mid ah magaalooyinka kale ee Vietnam.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here