83 xaaladood oo COVID-19 oo laga xaqiijiyay gudaha dalka

Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa maanta shaacisay in 24 saacadood gudahood ay diiwaangelisay kiisas cusub oo cudurka COVID19 ah oo dhan 83.
Dadkan ayaa isugu jiro 58 rag ah iyo 25 haween ah.
Waxay da’doodu u dhexeysaa hal sano jir iyo 85 sano jir.
Tani ayaa timid kaddib markii cudur sidaha corona laga baaray dheecaan gaaraya 3,093.
Dheecaanka guud ee laga baaray coronavirus ayaa ah 474, 477.
Tirada guud ee xaaladaha COVID19 ee Kenya ayaa hadda ah 35,103 .
77 qof oo ka mid ah dadka ugu dambeeyay ee cudurka laga helay waa Kenyaan halka 6-da kale ay ajaaniib yihiin.
Kiisaska maanta la shaaciyay waxaa laga kala xaqiijiyay ismaamullada Nairobi (27), Busia (15), Kisumu (12), Nakuru (7), Machakos (7), Kiambu (5), Laikipia (3), Kisii (3), Kirinyanga (1), Mombasa (1), Nyandarua (1) iyo Uasin Gishu oo hal ah.
Wasaaradda ayaa sido kale sheegtay in 72 bukaan oo dheeraad ah ay cudurka ka caafimaadeen.
39 ka mid ah waxaa lagu daryeelayay guriyaha halka 33 ay ku jireen isbitaallo kala duwan.
Gudaha wadanka waxaa ilaa iyo hadda COVID19 kaga caafimaaday 21,230 qof .
Dhimashada ka dhalatay cudurka ee gudaha wadanka ayaa gaartay 597 kaddib markii saddex qof oo dheeraad ah ay dhinteen.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here