857 gabdhood oo lagu uureeyay Nyandarua

Warbixin uu soo saaray golaha qaran ee qaabilsan tirinta dadweynaha ayaa lagu sheegay in ismaamulka Nyandarua ee gobolka bartamaha dalka ay uur ku qaadeen 857 gabdhood.
Waxay da’dooda u dhaxaysaa 10 ilaa 19 sano.
Dhibaatadan ayaa gabdhahan loo gaystay intii u dhexeysay bilihii koowaad ilaa lixaad ee sannadkan.
Golahan ayaa arrinkan u aaneeyay sababo dhowr ah oo ay ka mid yihiin saboolnimo , waalidiinta oo gabay kaalintooda waalidnimo , dugsiyada dalka oo bilooyin badan xiran iyo saameynta ka dhalato isticmaalka baraha bulshada.
Sido kale waxaa loo sababeeyay in carruurta aynan aqoon badan u lahayn culuunta la xiriirta taranka .
Golahan ayaa soo jeediyay in waalidiinta lala wadaago farriimo ku saabsan qaabka ay u barbaarin karaan carruurtooda.
Sido kale waxaa la doonaya in dhalinyarada qaangaarka ah loo tilmaamo siyaabaha wanaagsan ee loo isticmaalo baraha bulshada.
Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa horay digniin adag u diray cid kasta oo gabadh yar faraxumeysa ama uur u yeesha iyadoo ka faa’iidaysanaysa duruuf haysato.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here