9 darawaliin u dhashay dalka oo ka mid ah dadka cudurka covid-19 laga helay

Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa sheegtay in 28-da qof ee ugu dambeeyay ee uu saameeyay cudurka covid-19 ay ka mid yihiin 9 darawaliin Kenyaan ah .
Wadayaashan baabuurta xamuulka qaada kaxeeya ayaa ka soo laabtay safarro ay ku tageen dalka Tanzania.
Tirada guud ee ilaa iyo hadda cudurka uu ku haleelay gudaha wadanka ayaa ah 700.
Xoghayaha sare ee dhanka maamulka u qaabilsan wasaaradda caafimaadka Dr. Rashid Aman ayaa sheegay in darawaliinta Kenyaanka ah lagu baaray xadka magaalada Namanga.
12 qof oo dheeraad ah ayaa laga saaray isbitaallada waxayna tani dadka cudurka ka caafimaaday ka dhigaysaa 251 halka dhimashadu ay tahay 33 qof.
Tan iyo markii gudaha wadanka laga soo tabiyay caabuqa coronavirus waxaa baaritaano lagu sameeyay 32,938 qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here