9 qof oo dheeraad oo COVID19 ugu dhimatay dalka

Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa maanta shaacisay in gudaha wadanka ay cudurka COVID19 ugu dhinteen sagaal bukaan oo kale.
Tani ayaa dhimashada guud ka dhigtay 234 qof waxayna kiisaska dhimashada u dhigmaan boqolkiiba 1.75 .
Dhimashadii ugu badneyd ee ka dhalatay cudurkan gudaha Kenya waxaa la diiwaangeliyay bishii Afaraad ee sannadkan xilligaas oo ay ahayd boqolkiiba 5.1.
Wasiirka wasaaradda caafimaadka ee dalka Mr. Mutahi Kagwe ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay inay sido kale bogsadeen 682 ka mid ahaa dadkii uu xanuunka soo ritay.
562 ka mid ah shakhsiyaadkan ayaa guriyaha lagu daryeelayay.
Bogsashada guud waxay hadda tahay 5,122 tan iyo 1-dii bishii Afaraad.
Mr. Kagwe ayaa dhanka kale shaaciyay xaalado cusub oo coronavirus oo dhan 603 kaddib baaritaano lagu sameeyay 5,724 oo dheecaan ah.
Xaaladaha guud ee fayraska corona ee dalka waxay hadda yihiin 13,353.
Kiisaska cusub ee maanta la shaaciyay ayaa isugu jiro 361 lab iyo 242 dheddig ah.
Ismaamulka Nairobi waxaa laga xaqiijiyay (441) xaaladood, Kiambu (44), Mombasa (22), Nakuru(17), Kilifi(10), Machakos(6), Kisii(6), Makueni (5), Murang’a (3), Nyeri (2)Kakamega, Kericho, Kisumu, Kwale Lamu, Narok, Tharaka Nithi iyo Uasin Gishu oo min hal kiis ah.
Ismaamulka Nairobi kiisaskan ayaa laga diiwaangeliyay deegaannada Lang’ata oo (43) ah, Westlands(43), Waqooyiga Dagoretti (34), Kibra (33), Ruaraka (33), bariga Embakasi (28), Makadara (26), Roysambu (25),Koonfurta Embakasi (23), Galbeedka Embakasi (23), Kasarani (23),Waqooyiga Embakasi (21), Kamukunji (20), Koonfurta Dagoretti (15), Bartamaha Embakasi (9) iyo Mathare (4).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here