9 qof oo ku dhimatay daadad saameeyay ismaamullo dhowr ah

Fatahaado ku dhuftay qeybo ka mid ah gobollada Nyanza, galbeedka dalka iyo Rift Valley ayaa sababay dhimashada 9 qof halka boqolaal qoysas ahna ay guriyahooda ka barakaceen.
Tani ayaa timid kaddib roobab xooggan oo da’ay.
5 qof waxay ku dhimatay ismaamulka Bomet , 2 kale Bungoma halka ismaamullada Trans Nzoia iyo galbeedka West Pokot laga soo tabiyay min hal dhimasho.
Dowlad deegaanka Bomet waxaa sido kale ku barakacay ugu yaraan 200 oo qoys.
Barasaabka Bomet ,Hillary Barchok ayaa sheegay inay gurmad u fidinayaan qoyaska ku barakacay deegaannada Chepalungu, bariga Bomet iyo Konoin
Ismaamulka Homa Bay in ka badan 600 oo qoys ayaa daadadka awgood hooy la’aan noqday.
Xoghayaha guud ee hay’adda laanqeerta cas Kenya Caasha Maxamad ayaa ku baaqday gargaar bani’aadanimo oo degdeg ah.
Golaha barasaabyada ismaamuulada dalka ee COG ayaa sheegay inuu 9.4 milyan oo shilin ugu deeqaya qoyaska ay barakiciyeen fatahaadada iyo dhul go’a.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here