9 qof oo ku dhimatay shil ka dhacay wadada Mombasa iyo Kilifi

Ilaa iyo hadda waxaa la xaqiijiyay in sagaal qof ay ku dhinteen shil xalay ka dhacay wadada weyn ee isku xirta magaalooyinka Mombasa iyo Kilifi ee gobolka xeebta.
Shilka ayaa u dhexeyay mid ka mid ah baabuurta dadweynaha ee loo yaqaano mataatuuda iyo gaari ka mid ah kuwa xamuulka.
Waxaa uu shilku ka dhacay degmada Kaloleni kaddib markii labada baabuur ay iska hor yimaadeen.
Taliyaha booliska ee ismaamulka Kilifi Stephen Mathu ayaa sheegay in mataatuuda ay ka timid Mombasa oo ayna ku wajahneyd Kaloleni ka hor inta aysan looriga isku dhicin.
Wararka ayaa intaa ku daraya in labadii darawal ay gawaaridan kaxeynayay ay shilka ka badbaadeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here