9 qof oo lagu dilay deegaanka Banisa ee Mandera

Dad ay tiradoodu gaareyso 9 qof ayaa lagu dilay deegaanka Banisa ee ismaamulka Mandera .
Guddoomiyaha dowladda dhexe u qaabilsan Mandera ,Onesmus Kathya ayaa dhacdadan iyo khasaaraha ka dhashay warbaahinta u xaqiijiyay.
Waxaa uu hoosta ka xariiqay in dilalkaasi ay yihiin kuwo ku saleysan dagaal-beeleed.
Qaar ka mid ah saraakiisha ammaanka iyo mas’uuliyiinta deegaanada hoose ee Mandera ayaa u ambabaxay Banisa si xaaladda loo dejiyo loogana hor tago aargoosi.
Dilalkan ayaa ku soo aadaya maalmo un kaddib markii madaxda Mandera ay bulshada ugu baaqeen in nabadda la xoojiyo oo laga gudbo dagaal-beeleedyada mararka qaar la soo tabiyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here