9 qof oo lagu dilay Koonfurta Filibiin

Wararka naga soo gaaraya magaalada Jolo ee Koonfurta dalka Filbiin ayaa sheegaya in ugu yaraan 5 sarkaal iyo afar qof oo shacab ah lagu dilay qarax halkaas ka dhacay.
Wararka ayaa intaa ku daraya in qaraxa oo ahaa mid xooggan ay sido kale dad dhowr ah ku dhaawacmeen.
Madaxa hay’adda laanqeerta cas ee Filibiin sido kalena ah senatar ayaa sheegaya in qarax uu ka dhacay meel u dhow xarun miltari .
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in falkan loo adeegsaday mooto lagu soo xiray waxyaabaha qarxa.
Sido kale waxaa jiro warar sheegaya in kaddib markii booliska ay isku dayeen inay goobta xiraan uu dhacay qarax labaad oo ay ku dhaawacmeen qaar ka mid ah ciidamada dowladda Filibiin.
Ugu yaraan 17 sarkaal ayay wararku sheegayaan inay dhaawacmeen.
Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda falkaas.
Horraantii sannadkii 2019-kii ayay ahayd markii labo qarax oo ka dhacay goob aan aad uga fogeyn halka dhacdooyinkan laga soo tabiyay ay ku dhinteen in ka badan 20 qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here