9 qof oo lagu karantiilay Isiolo oo laga waayay cudurka Covid-19

Wararka naga soo gaaraya ismaamulka Isiolo ayaa sheegaya in sagaal qof oo loo karantiilay fayraska Coronavirus baaritaano lagu sameeyay kaddib laga waayay cudurka Covid-19.
Dadkan oo lagu hayay isbitaalka weyn ee Isiolo waxaa ka mid ah saddex sarkaal oo ka tirsan ciidamada difaaca dalka.
Wasiirka wasaaradda caafimaadka ee Isiolo ,Wario Galma ayaa arrintan warbaahinta u xaqiijiyay.
Tani ayaa ku soo aadaysa iyadoo ilaa iyo hadda gudaha wadanka laga xaqiijiyay 158 kiis oo la xiriira cudurka Covi-19 halka 6 qof ay u dhimatay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here