9 qof oo lagu maxkamadeeyay dalka Shiinaha

FILE PHOTO: Plastic bags of fentanyl are displayed in the U.S. Customs and Border Protection area of the International Mail Facility at O'Hare International Airport in Chicago, Illinois, U.S. November 29, 2017. REUTERS/Joshua Lott/File Photo

Maxkamad ku taallo wadanka shiinaha ayaa xabsi ku xukuntay 9 qof oo lagu eedeyay inay daawada loo yaqaano fentanyl ay si aan sharci ahayn ku geliyeen gudaha Maraykanka.
Mid ka mid ah eedeysanayaasha ayaa lagu riday xukun xabsi daa’in ah.
Waa markii ugu horreysay oo labada wadan ee Shiinaha iyo Maraykanka ay iska kaashadeen in tallaabo laga qaado shakhsiyaad lala xiriiriyay ka ganacsiga daroogada.
Xukuumadda Washington ayaa horay Beijing ugu dhaliishay inaynan wax weyn ka qaban la tacaalidda ganacsigan.
Daawada Fentanyl ayaa ka mid ah noocyada dadka isticmaalo ay si weyn u qabatimaan waxayna 50 mar ka saameyn badan tahay xashiishka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here