9 qof oo Nakuru loogu xiray ka ganacsiga daroogada

Ciidamada booliska ee ismaamulka Nakuru ayaa gacanta ku dhigay 9 eedeysanayaal oo loo haysto in ay ka ganacsadaan maandooriyaha.
Howlgallo ay xalay saraakiisha ka sameyeen qaar ka mid ah xaafadaha isku raranta ah ee ismaamulkaas oo ay inta badan ka dhacaan falal dambiyeedyada ayaa dadkan lagu soo qabtay.
Guddoomiyaha dowladda dhexe u qaabilsan deegaanka bariga Nakuru Eric Wanyonyi ayaa warbaahinta u sheegay in eedeysanayaasha ay da’doodu u dhaxeyso 15 ilaa 17 sano.
Ciidamada ayaa sidoo kale howlgabka ku soo qabtay 100 xirmo oo ah daroogada loo yaqaano xashiishka oo qiimo ahaan lagu qiyaasay 30,000 oo shilin iyo labo ka mid ah taleefoonada gacanta.
Maanta ayaa lagu wadaa in tuhmanayaasha maxkamadda la soo taago si wax looga weydiiyo eedeymaha loo soo jeediyay.

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here