9 qof oo shacab ah oo ku dhaawacmay weerar ka dhacay Sacuudiga

Kooxda Xuutiyiinta ee ka dagaallanto dalka Yemen ayaa lagu soo warramayaa in weerar ay ku qaadday gagida diyaaradaha ee Abha ee boqortooyada Sacuudi Carabiya ay ku dhaawacday 9 qof oo shacab ah.
Bayaan uu soo saaray isbeheysiga militari ee uu horkacayo Sacuudiga ayaa arrinkan lagu xaqiijiyay.
Wakaaladda wararka ee Xukuumada Riyaadh ee SPA oo bayaanka soo xiganaysa ayaa qortay in dadka dhaawacmay ay isugu jiraan 8 u dhashay boqortooyada iyo qof haysto dhalashada India.
23-kii bishii lixaad ee sannadkan ayay ahayd markii weerar kale oo lala eegtay garoonka diyaaradaha ee Abha lagu dhaawacay 21 qof oo rayid ah.
Isbeheysigan oo taageeraya dowladda Yemen ayaa tan iyo sannadkii 2015-kii dagaal kula jiray kooxda Xuutiyiinta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here