93 oo muhaajiriin ah oo laga soo badbaadiyay xeebaha Libya

Haweeney ku umushay badda ayaa ka mid ahayd 93 muhaajiriin ah oo laga soo badbaadiyey xeebaha Liibiya xilli ay isku dayeen in ay gaaraan Yurub, halka lix kale ay dhinten isla markaana la helay meydadkooda, sida ay sheegtay Hay’adda caalamiga ah ee socdaalka ee IOM.
IOM ayaa qoraal barteeda rasmiga ee Tuwitaraka ku sheegaty in muhajiriinta la soo badbaaday xalay dib loogu celiyay magaalada xeebta ee Khoms, oo 120 kiilomitir u jirto galbeedka caasimada Tripoli.
In ka badan 100,000 oo muhaajiriin ah ayaa isku daya inay ka gudbaan badda Mediterranean sannad kasta halka in ka badan 1,200 ay dhintaan, sida ay laga soo xigtay IOM.
Tan iyo sannadkii 2011-kii dalka Libya ayaa waxaa ku qul qulayay kumanaan muhaajiriin ah oo isku dayay inay u talaabaan qaaradda Yurub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here