Aadan Barre oo ka soo horjeestay in la soo dhiso maamul goboleedyo

Hogaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka dalka ahna sido kale xildhibaanka Garissa Township Aden Bare Ducaale oo la kulmay guddiga qaabilsan warbixinta mideeynta iyo dib uheshisiinta shacabka ee BBI ayaa ka hadlay arrimo dhawr ah.
Arrimaha uu soo hor dhigay guddiga BBI ayaa waxaa kamid ah maamulka, dulka, amniga, wadajirka, wadaaga kheiraadka iyo waxbarashada.
Xildhibaanka oo matalaya ismaamulada xoola dhaqatada ah ayaa soo jeediyay in loo baahanyahay in kheyraadka lagu bixiyo baaxada dhulka balse an la dooneynin sida ku xusan warbixinta BBI oo ah tirade dadka ku nool deegaanada.
Waxaa uu tusaale u soo qaatay degaanka North Hor oo uu ku sheegay inay dhantahay 32,000 kilomitar oo labo jibaar ah halka kuwa ku yaala caasimada Nairobi iyo Mombasa ay gaarayaan oo kaliya 8 kilomitar oo labo jibaar ah.
Dhanka kale waxaa uu xusay in shacabka ku nool 15-ka ismaamul goboled ee xoola dhaqatada ah ay ku qanci waayeen natiijadii kazoo baxday labadii tirakoob ee ugu dambeesay.
Mr. Ducaale oo soo xiganaya qodobka 89-aad ee dastuurka dalka ayaa sheegay in dadka xoola dhaqatada ah ay kasoo hor jeesteen in wax laga dhimo degaanada dalka oo dhan 290 isla markaana la xafido kuraasta dadka laga tirade badan yahay.
Waxaa uu sido kale sheegay inay kasoo hor jeedan in dhaqaalaha uu raaco tirade dadka balse aan la eegin baaxada dhulka.
Warbixinta ayuu ku sheegay in degmooin, deegaano ama ismaamulada aan laisku dari Karin taasi nah ay abuureyso isku dhacyo qawmiyadeed.
Mr. Ducaale ayaa sido kale ka dawaajiyay in hoggaamiyaasha xoola dhaqatada ah ay soo jeedinayaan hanaan dawladeed oo barlamaani ah.
Waxaa uu doonaya in madaxweynaha ay doortaan xildhibaanada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here