Aaden Barre Ducaale oo laga qaaday xilka hoggamiyaha aqlabiyadda aqalka barlamaanka

Waxaa maanta xilka laga qaaday mudanaha laga soo doorto deegaanka Garissa Township Aaden Barre Ducaale oo ahaa hoggaamiyaha Aqlabiyadda Baarlamaanka ee dalka.
Xilka hoggamiyaha aqlabiyadda aqalka barlamaanka ayaa waxaa haatan loo magacaabay xildhibaanka laga soo dorta deegaanka Kipipiri Amos Kimunya.
Mudane Duale ayaa xilka looga qaaday kulanka xildhibaanada jubilee ay maanta yeesheen oo uu shir guddominayey madaxweyne Uhuru Kenyatta.
Bilowgii bishaan ayey aheyd markii uu Aaden Barre ka badbaaday qorshe la doonayay in xilka hogaamiyaha aqlabiyadda looga qaado kaddib markii isbeheysiga xisbiga Jubilee uu isbaddallo ku sameeyay xubnaha hoggaanka u ah xisbigaasi ee jagooyinka kala duwan ka haya laba aqal ee baarlamaanka iyo sanetka.
Dhanka kale xildhibaan Aadan Keynaan oo laga soo doorto deegaanka Celdhaas ayaa asna loo magacaabay xoghayaha isbaheesiga ee xisbiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here