Aagab caafimaad oo lagu wareejiyay Maamulka Puntland

Wasaaradda caafimaadka Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa dawooyin iyo qalabka loogu talagalay cisbitaalada iyo xarumaha hooyada iyo dhalaanka kala wareegtay hay’adda World Vision qaybteeda deegaanada maamulkaPuntland.
Wasiir kuxigeenka wasaaradda Caafimaadka Puntland Abdinaasir Yuusuf Xaaji oo uu weheliyo agaasimaha guud ee isla wasaaradaasi ayaa qalabka xarunta wasaaradda kag la wareegay madaxa hay’addaha World Vision ee Puntland.
Cali Salaad Xasan Madaxa World Vision Puntland ayaa hadal uu ka jeediyay goobta ku sheegay in qalabkaan iyo dawooyinkaba loogu talagalay cisbitaalada iyo xarumaha hooyada iyo dhalaanka eeku yaala deegaanada Maamulka Puntland,waxaana uu bogaadiyay wada shaqaynta ka dhaxaysa wasaaradda caafimaadka Puntland iyo hay’adda World Vision isagoo tilmaamay inay sii laba jibaarayaan shaqooyin ay Bulshada u hayaan.
Abdinaasir Yusuf Xaaji wasiir kuxigeenka wasaaradda Caafimaadka Maamulka Puntland oo qalabka la wareegay ayaa soo dhaweeyay qalabkaan iyo dawada waqtigii loo baahnaa la soo gaarsiiyay, waxaana uu sheegay in qalabkaan xarumaha loogu talagalay dhakhso loogu gudbin doono si bulshada ay uga faa’iidaystaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here