Aasiya oo laga xusaya nolosha dad ku dhintay Tsunami

Waxaa wadamada qaaradda Aaasiya laga xusayaa nolosha dad ay tiradoodu kor u dhaafayso 230,000 oo qof oo ku dhintay Sunaami.
Maanta waxay ku beegan tahay sannadguuradii 15-aad ee ka soo wareegatay markii ay musiibadaas dhacday.
Sannadii 2004-tii ayay ahayd markii dhul gariir xooggan oo cabbirkiisu uu ahaa 9.1 uu sameeyay waqooyiga jasiiradda Sumatra taaso Sunaami horseedday waxayna saameyn soo gaartay wadamada Indonesia, Sri Lanka, India, Thailand iyo sagaal dal oo kale.
Suwannee Maliwan oo 28 sano jir ah oo waalidiinteeda iyo 5 ka mid ah eheladeeda musiibadan ku weyday ayaa sheegtay inaynan marnaba hilmaami karin saameynta maskaxeed ee ka soo gaartay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here