Abaalmarinta Ballon d’Or 2020 Oo Aan La Bixin Sanadkan Sabab La Xidhiidha Xanuunka Korona.

Majadala France Football ayaa si Rasmi ah xaqiijisay in ayna bixin doonin abaalmarinta xiddiga ugu fiican adduunka ee Ballon d’Or sanadka 2020 sabab la xidhiidha xanuunka Korona.
Abaalmarinta Ballon d’Or 2020 ayaa la filayay in lagu qabto France dhamaadka bishan laakiin sabab la xidhiidha xanuunka Korona waxa si Rasmi ah loo xaqiijiyay in la joojiyay bixinta abaalmarinta sanadkan.
Abaalmarinta oo ah abaalmarinta ugu taariikhisan uguna weyn ee shaqsiga ah ayay sanadihii ugu dambeeyay ku guulaysteen xiddigaha Cristiano Ronaldo Iyo Lionel Messi laakiin sanadkan abaalmarinta ayaan la bixin doonin.
Xanuunka Korona ayaa sabab u noqday in la joojiyo kubada cagta muddo 3 bilood ah sidaas darted majalada bixisa Abaalmarinta ee France Football ayaa go’aamisay in aan sanadkan la bixin doonin abaalmarinta.
Abaalmarinta ayuu Lionel Messi ku guulaystay sanadkii hore laakiin waxa sanadkan la filayay in ay Ronaldo iyo Messi la kulmaan tartan adag oo ku aadan abaalmarinta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here