Abaanduulaha booliska dalka oo ciidamada waqooyi bari ugu baaqay inaynan shacabka dhibaateynin

Abaanduulaha ciidamada booliska dalka Mr. Hillary Mutyambai oo soo gabagabeeyay booqasho uu ku tagay ismaamulada Mandera, Wajeer iyo Garissa ee gobolka Waqooyi bari ayaa saraakiisha ammaanka ee halkaasi ka howlgalo uga digay inay dadweynaha dhibaatooyin u gaystaan.
Waxaa uu kulamo kala duwan la qaatay saraakiisha ammaanka ee ismaamulada iyo madaxda gobolka.
Taliyaha guud ee booliska ayaa sido kale digniinta uu jeediyay waxaa ka mid ah in ciidamada aynan laaluush qaadan oo cidii lagu helo laga qaadayo tallaabo sharciyeed.
Mr. Mutyambai ayaa u kuur galayay caqabadaha dhanka sugidda ammaanka ee gobolka ka jiro .
Saraakiisha uu la kulmay ayuu xasuusiyay inaynan marnaba oggolaan in dalka la soo geliyo badeecooyinka sharci darrada ah sido kalena ay soo gudbaan dad aan wadanka u dhalan.
Taliyaha guud ee booliska ayaa sido kale xusay in cid waliba lagu abaal marinayo waxqabadkeeda.
Waxaa uu ciidamada u ballanqadaay inaynan jiri doonin dallacsiin ku saleysan qabiil ama musuqmaasuqa .
Xilli uu ku sugnaa ismaamulka Wajeer ayuu saraakiisha ammaanka ka codsaday inay wax yar aamusaan si loo xasuusto noloshii ciidamo horay lagu dilay weerar halkaasi ka dhacay.
Sido kale isagoo ku sugan ismaamulka Mandera ayuu carrabka ku dhuftay inay ku dadalayaan sidii loo soo badbaadin lahaa dhakhaatiirtii u dhashay wadanka Cuba ee la afduubtay.
Kooxo hubaysan ayaa waxay afduubteen Assel Herera Corea, oo ah dhakhtarka guud iyo Landy Rodriguez oo isna aha dhakhtartka qaliinka.
Weerarkaasi ayaa waxay ku dileen mid ka mid ah sarakiishii ilaalineysay,xiligii ay dhakhatiirta ku wajahnayaeen halka ay ka shaqeynayeen oo ahayd isbitaalka weyn ee Mandera.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here