Abaanduulaha booliska dalka oo dalbaday in la baaro geerida qareen shil ku dhintay

Taliyaha guud ee ciidamada booliska dalka Mr. Hilary Mutyambai ayaa amar ku bixiyay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo guda galo baaritaano qoto dheer oo lagu sameynayo geerida qareen caan ahaa oo dhawaan shil ku dhintay.
Qareenkan oo sido kale ahaa ganacsade ayaa lagu magacaabi jiray Karanja Kabage.
Mr.Mutyambai ayaa war saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay inuu amar siiyay agaasimaha waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da Mr. George Kinoti si dabagal loogu sameeyo xaaladdii uu ku sugnaa garyaqaanka marka uu shilku dhacayay.
Warbixinada hor dhaca ah ee booliska ayaa muujinaya in sharci yaqaanka dhintay uu kaxeynayay baabuur ah nooca Land Cruiser ka hor inta uunan wadada ka bixin.
Waxaa sido kale warbixinta lagu sheegay inuu miir daboolmay kaddibna codsaday in la geeyo isbitaalka Nairobi Hospital halkaasi oo uu ku nafbaxay isagoo dhakhaatiirtu ay ku dadaalayaan inay xaaladdiisa wax ka qabtaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here