Abaanduulaha booliska dalka oo sheegay inay diyaar u yihiin dhaqan gelinta bandowga qaran

Taliyaha guud ee ciidamada booliska dalka Mr. Hillary Mutyambai ayaa sheegay in saraakiisha ammaanka ay u diyaar garoobeen fulinta amarka dowladda ee ku aaddan bandowga lagu wado inuu berri guud ahaan dalka ka dhaqan galo.
Amarkan ayaa waxaa galinkii dambe ee shalay ku dhawaaqay madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta .
Waxay tallaabadan ka mid tahay dadaallada lagu doonayo in lagu xakameeyo faafidda cudurka Covid-19 ee ilaa iyo hadda 28 kiis oo la xiriira laga xaqiijiyay gudaha wadanka.
Mr. Kenyatta ayaa sheegay in dhaqdhaqaaqa dadweynaha ay mamnuuc tahay inta u dhaxaysa 7-da fiidnimo ilaa iyo 5-ta aroornimo laga billaabo berri marka laga soo reebo shakhsiyaad Dowladda ay sheegtay inuunan amarkan saameynayn maadaama ay adeegyo muhiim ah bulshada u fidinayaan.
Mr. Mutyambai ayaa qeybaha kala duwan ee bulshada ugu baaqay inay la shaqeeyaan laamaha ammaanka.
Waxaa uu ku nuuxnuuxsaday in bandowga aan looga gol lahayn in cid lagu dhibaateeyo balse uu yahay mid lagu xaqiijinayo badqabka Kenyaanka.
Sido kale waxaa uu saraakiisha fasaxa ku maqan ku wargeliyay inay sida ugu dhaqsiyaha badan u soo shaqa galaan.
Dhanka kale afhayeenka dowladda dhexe Mr. Cyrus Oguna ayaa shacabka kula taliyay inay isku diyaariyaan u hoggaansanka bandowga .
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay inaan loo baahneyn in qofku uu sugo in saraakiisha ammaanka ay ku khasbaan inuu gurigiisa ku sugnaado saacadaha la shaaciyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here