Abaanduulaha booliska oo saraakiisha ammaanka halyeeyo ku tilmaamay

Abaanduulaha ciidamada booliska ee dalka Mr. Hillary Mutyambai ayaa hambalyo u diray saraakiisha ammaanka.
Ciidamada ayuu sheegay inay ka mid yihiin halyeeyada wadanka ee maanta waxqabadkoodu la maamuusaya.
Qoraal uu soo dhigay bartiisa rasmiga ee Twittarka ayuu ku xusay in saraakiisha ammaanka ay si maalinla ah naftooda ugu huraan badbaadinta nolosha shacabka iyo hantidooda.
Sidoo kale waxaa uu u mahadceliyay Kenyaanka sida dhow ula shaqeeya ciidamada si looga hor tago marka ay dhacaana wax looga qabto falalka amni darrada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here