Abaanduulaha booliska oo shacabka su’aalo uga jawaabay

Abaanduulaha booliska Mr. Hillary Mutyambai ayaa qaab online ah kaga jawaabay su’aalo ay kenyaanka soo weydiiyeen oo ku saabsan habdhaqanka ciidamada ammaanka.
Mr. Mutyambai oo isticmaalaya barta Twittarka ayaa sheegay inay khalad tahay in saraakiisha ammaanka ay awood xad dhaaf ah u adeegsadaan shacabka.
Waxaa uu xusay in dastuurka dalka uu cadeeyay xilliyada booliska ay rasaas adeegsan karaan.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay inuu taageero buuxda siinaya ciidamada hubka ay sitaan ku badbaadinaya nolosha shacabka iyo hantidooda.
Mas’uulkan ayaa intaa ku daray in saraakiisha booliska ay soo qaateen tababaro ku filan oo ku saabsan isticmaalka hubka sidaas awgeedna aan marnaba loo qiil dayi Karin askari awoodiisa ku takriifalay.
Fursaddan ayuu Mr. Hillary Mutyambai , abaanduulaha booliska uga faaiidaystay inuu dadweynaha ka codsado inay saraakiisha ammaanka si dhow ula shaqeyaan si looga hor tago sido kalena marka ay dhacaan loo xalliyo falalka amniga liddiga ku ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here