Abaanduulaha booliska oo shacabka ugu baaqay in muuqaal ka duubaan saraakiisha booliska ah ee dhibaatada geysto

Taliyaha guud ee ciidamada booliska dalka Mr. Hillary Mutyambai ayaa baaq xoogan u diray kenyaanka .
Taliyaha guud ee cidaanka booliska ayaa ku boorriyay Kenyaanka in ay fidiyoow ka soo duubaan saraakiisha booliska ah ee dhibaatada u geysto xubnaha shacabka.
Mar u barta tuwitarka kula hadlay Kenyaanka ayuu sheegay in dhibaatooyinka qaarkood ay geystan saraakiisha booliska ay adag tahay in gacanta lagu soo dhigo madaama ay ka dhacaan meel fog fog .
Mr Hillary Mutyambai ayaa balan qaaday in talaabo adag laga qaadayo saraakiisha booliska ay dhibaatada u geysanayo shacabka.
Waxaa uu shacabka Kenyaanka ku booriyay in ay xafiiskiisa uu soo gudbiyaan wixii cabashooyin ah oo ka dhanka ah saraakiisha booliska .
Taliyaha guud ee ciidaanka booliska ee dalka Hillary Mutyamba ayaa sheegay in saraakiisha booliska loogu bahan yahay in ay si wanaagsan ula dhaqmaan xubnaha shacabka ee dalka.
Waxa kale oo uu soo hadal qaaday arrinta askarta booliska taraafikada ee qaata laaluushka, isagoona sheegay in saraakiishaasi lagu ganaxayo lacag marka uu barlamaanka sharcigaasi ansixiyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here