Abaanduulaha booliska oo shacabka ugu baaqay inay u hoggaansamaan bandowga habeenkii jiro

Taliyaha guud ee ciidamada booliska dalka Mr. Hillary Mutyambai ayaa dadweynaha u soo jeediyay inay si dhow ula shaqeyaan saraakiisha ammaanka oo ayna u hoggaansamaan amarka la xiriira bandowga habeenkii wadanka ka jiro.
Mr. Mutyambai ayaa baaqan jeediyay isagoo ku sugan ismaamulka Mombasa ee gobolka xeebta.
Waxaa uu kormeer ku sameeynayay sida ciidamada booliska ay u dhaqangelinayaan amarkii horay uga soo baxay madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta.
Bandowga oo looga gol leeyahay in lagu xakameeyo isku socodka dadweynaha ayaa ka mid ah dadaallada Dowladda dhexe ay ku bixinayso in la yareeyo faafitaanka cudurka Covid-19 ee uu sababo caabuqa Coronavirus.
Waxay tani ku soo aadaysa iyadoo ilaa iyo hadda gudaha wadanka laga xaqiijiyay kiisas gaaraya 225 oo la xiriira cudurka dunida sida weyn u saameeyay.
Abaanduulaha booliska ayaa dhanka kale digniin adag u diray cid kasta oo iska dhaga tirta amarrada iyo talooyinka Dowladda.
Waxaa uu si gaar ah u xusay bandowga jiro laga billaabo 7-da fiidnimo ilaa 5-ta aroornimo iyo sido kale amarka lagu mamnuucay in loo safro ama laga soo baxo ismaamullada Nairobi, Mombasa, Kwale iyo Kilifi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here