Abaanduulaha booliska oo u digay cida aan u hoggansamin bandowga habeenkii

Abaanduulaha booliska Mr. Hilary Mutyambai ayaa sheegay in tallabo adag laga qaadi doono cid walba oo ku xad gudubta bandoowga habeenkii oo dhaqangalay xalay fiidkii si loo xakameeyo faafitaanka cuduruka Covid -19
Bandowga ayaa jiraya inta u dhaxaysa 7-da fiidnimo ilaa iyo 5-ta aroornimo.
Kaliya shakhsiyaadka bixiyo adeegyada muhiimka ah ayuunan saameyn doonin bandowga habeenkii oo ay ku jiraan ciidamada amniga, shaqaalaha caafimaadka iyo warbaahinta.
Waxa uu dhanka kale sheegay in cidii aan amarkaan u hoggansamin tallaabi sharci laga qaadi doona sidoo kale maxkamad loo soo tagi doona si loogu soo oogo dacwad ka dhan amar dowlo.
Hal qof ayaa u dhintey cudurka ‘coronavirus dalka halka 28 qof ay ku kala jiraan isbitaalada Mbagathi iyo Kenyatta iyada oo laba qof la dhigay qeybta daryeelka degdegga ee loo yaqaano ICU-da isbitaalka Aga Khan.
Dhanka kale wasiirka wasaaradda caafimaadka Mr Mutahi Kagwe ayaa sheegay in wali 31 qof ay dalka qabaan caabuqa COVID-19 oo uu sababo feyraska Corona.
Waxaa intaa ku daray in ay bilaabeen baaritaan ku saabsan geerida haweeney la sheegay in ay is dishay taas oo ku jirtay karantiil ee magaalada Nakuru.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here