Abaanduulaha booliska oo u digay ciidamada musuqmaasuqa sameeya

Abaanduulaha booliska ee dalka Mr. Hillary Mutyambai ayaa digniin adag u diray saraakiisha qaabilsan kala hagidda baabuurta ee loo yaqaano Taraafikada ee ku lug lahaada falalka musuqmaasuqa.
Xilli isaga iyo barasaabka ismaamulka Machakos Dr. Alfred Mutua ay xariga ka jarayeen guriyo loo dhisay boolista ayuu sheegay in cid waliba oo ka mid ah laamaha ammaanka oo wax isdabamarin samayso maalmo kooban gudahood tallaabo adag looga qaadayo.
Waxaa uu sido kale hoosta ka xariiqay inuu jiro qorsho lagu yareynayo bar kontoroolada ka jira guud ahaan dalka si musuqmaasuqa loola tacaalo.
Mr. Hillary Mutyambai ayaa intaasi raaciyay inuunan marnaba ogolaan doonin in ciidamada Taraafikada ay bar kontoroolada ka dhigtaan qaab ay laaluush ku qaataan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here