Abbas Gullet oo ka fariisnaayo hoggaminta hay’ada laanqeerta cas ee Kenya

Xoghayaha guud ee hay’ada laanqeerta cas ee dalka Dr. Abbas Gullet oo mudda dheer ka soo shaqeynaye ayaa la filaya inuu shaqada ka fariisto 31-ka Bisha December sanadkan.
Mar uu kulan la yeeshay shaqaalaha Guddomiyaha Hay’ada Laanqeerta cas Dr.Saciid Maxamud ayaa shaaca ka qaaday in xafiiska ay kala wareegi doonto Dr.Caasha Maxamad oo ahayd xoghaya ku xigeen 1-da Bisha Janaayo sanadka 2020-ka.
Dr. Mohamud ayaa ugu mahadceliyay Dr.Abbas Gullet sida uu ugu shaqeeyay Hay’ada tan iyo markii uu hogganka u qabtay Hay’ada sanadkii 2001-dii. Asaga oo sheegay sida uu ugu faraxsanyahay.
Dr. Gullet ayaa dhankiisa u mahadceliyay Hay’ada KRCS muddada 18-da sano ee u shaqeynaye,Wuxuna xusay inuu ka sii qyab ahaanayo Hay’ada xita haduu tago.
Dr.Gullet ayaa sheegay inuu ku soo biiray Hay’ada Red Cross sanadkii 1973-dii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here