Ablikeeshin kuu fududeynaya inaad qaab online ah ari ku iibsato

Iyadoo lagu guda jiro bisha Diseembar oo qaar ka mid ah Kenyaanka ay isku diyaarinayaan ciidda masiixiga ee Christmas ayaa waxaa la soo bandhigay ablikeeshin ama adeeg kuu suurtagelinayo inaad ari ku iibsato qaab online ah adigoo isticmaalaya taleefoonkaaga gacanta.
Adeeggan ayaa lagu soo bandhigay xaflad dhaqameedka saddexaad ee sannadlaha ee ismaamulka Kitui.
Senetarka dowlad deegaanka Kitui Enoch Wambua ayaa dadka xoolo dhaqatada ah ugu baaqay inay ka faaiidaystaan horumarka dhinaca teknolojiyadda si sare loogu qaado howlaha suuqgaynta.
Waxaa loogu magacdaray Digital Livestock Auction oo ay micnaheedu tahay xaraashka dijitaalka ee xoolaha nool ee la dhaqdo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here