Adeegyada xarumaha Huduma oo lagu soo reebay 2 keliya

Madaxtooyada dalka looga arrimiyo ee State House ayaa qoraal ay dhawaan soo saartay waxay ku sheegtay in xarumaha laga bixiyo adeegyada ay dadweynaha u baahan yihiin ee loo yaqaano Huduma Centres ay qaban doonaan laba shaqo oo keliya.
Shaqooyinkan ayaa kala ah in laga qaato aqoonsiyada qaran ee la sameeyay iyo shahaadooyinka dhalasho ee diyaarka ah.
Dadweynaha ayaa dhanka kale lagu wargeliyay in adeegyada sida karaka canshuurta ee KRA, midka caysmia caafimaadka ee NHIF , kan howlgabka ee NSSF, adeegyada korontada , NTSA iyo diiwaangelinta ganacsiyada ay qaab online ah ku heli karaan.
Shacabka ayaa lagu wargeliyay in marka ay ku sugan yihiin xarumaha Huduma ay sida habboon u isticmaalaan waxyaabaha gacmaha lagu nadiifiyo ee loo diyaariyay.
Sido kale waxaa lagula taliyay in midba uu midka kale u jiro ilaa 2 miitar.
Kenyaanka ayaa lagu booriyay inay raacaan talooyinka wasaaradda caafimaadka ee ku aaddan ka hor tagga faafitaanka cudurka COVID-19.
Dhanka kale madaxa waaxda adeegga dadweynaha Mr. Joseph Kinyua ayaa sheegay in Dowladda ay si lacag la’aan dadweynaha ugu qeybin doonto daawada gacanta lagu sifeeyo ee loo yaqaano Hand- sanitizers.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here