Aden Bare Ducalle oo ka hadlay wararka sheegaya in barasaabka Turkaana la dhigay isbitaalka.

Hogaamiyaha aqlabiyadda aqalka baarlamaanka dalka ahna xildhibaanka laga soo doortay Garissa TownShip Aden bare Ducalle ayaa bartiisa Twiitarka ku soo qoray inuu la xariiray barasaabka Turkan Josphat Nanok .
Xildhibaan Ducalle ayaa sheegay in xaalada Nanok ay wanaagsan tahay gurikiisana uu joogo.
Mr Ducaalle ayaa ka dhawaajiyay in wararka lagu sheegay in Mr Nanok isbitaal la dhigay ay been tahay.
Sido kale Gudoomiyaha laga soo doortay ismamaulka Turkana Josphat Nanok ayaa beeniyay warbixin soo baxday oo lagu sheegay in la dhigay isbitaalka.
Waxaa uuna sheegay gudoomiye Nanok in xaaladiisu ay wanaagsan tahay uuna joogo gurikiisa.
Mr Nanok ayaa ku tilmaamay warbixinta lagu sheegay inuu xanuunsanyahay ay tahay mid khalad ah .
Golaha Maamulayaasha (CoG) ayaa sidoo kale meesha ka saaray sheegashada ah in barasaabka Turkana uu xanuun dareemayo.
Waxaa ayna ugu baaqeen shacabka Turkana iyo kenyaanka kale inay iska indho tiraan wararka beenta ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here