Adis Ababa oo xus loogu sameeyay taliyihii Ciidamada Ethiopia oo dhawaan la dilay

90

Booliska Itoobiya ayaa sheegay in gacanta lagu soo dhigay askarigii ka dambeeyay dilkii loo gaystay madaxii Ciidamada dalkaasi Gen Seare Mekonnen.
Booliska waxa ay horay u sheegeen inuu istoogtay askarigii ka dambeeyay dilka Taliyaha, balse mar dambe ayeey Booliska hadalkaasi raali gelin ka bixiyeen, islamarkaana ay sheegeen in gacanta lagu soo dhigay askarigii falkaasi gaystay.
Xafiiska ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa horraan sheegay in askariga uu dilay Janaraal Seare iyo sarkaal sare xilli ay joogeen gurigooda si loo afgembiyo hoggaanka maamulka Amxaarada.
Waa markii labaad oo warar kala duwan ay kasoo baxayaan arrinta ku aadan waarddiyaha lagu tuhunsan yahay inuu toogtay madaxii guud ee ciidammada Itoobiya.
Sabtidii dowladda Itoobiya waxay sheegtay in askarigaas la xiray halka Isniintii taliyaha guud ee booliska Endeshaw Tasew uu shaaca ka qaaday askarigaas uu is dilay markii uu toogtay Janaraallada.
ilaa hadda makala cadda in dhaawaca soo gaaray askarigaas uu yahay mid isaga uu isku geeystay ama inuu dhaawacay qof kale intii uu weerarka socday.
Magaalada Adis Ababa ee wadanka Ethiopia waxaa xus loogu sameeyay taliyihii ciidammada iyo jeneraalkii kale ee toogashada lagu dilay.
Waxaana ka qeyb galay Ra’iisulwasaraha Ethiopia Abiy Axmed

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here