Afar qof oo isku dayi rabay in dhacaann neefaf ari ah oo la dilay

Dadka ku nool tuulada Mithuthi-ini ee ismaamulka Kirinyaga ayaa waxay saaka dileen Afar tuhmane oo isku dayi rabay inay xoolahooda dhacaan.
Qaar ka mid ah dadka ku nool tuuladaasi oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in shakhsiyadkan ay caan ka yihiin aagaasi isla markaana ay isku dayi rabeen inay ari ka xadaan mid ka mid ah dadka deegaanka.
Taliye ku xigeenka Booliska Bariga Mwea Lucas Chebet ayaa sheegay in dadka deeganka ay dileen afarta qof islamarkaana ay u adeegsadeen baangad.
Taliyaha ayaa dhanka kale cadeeyay in laba tuhmane kale ay ku guuleysteen in ay goobta ka baxsadaan.
Meydadka afarta qof ayaa la dhigay goobta meydadka la dhiga ee isbitaalka Kerugoya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here