Afar qof oo laga helay fayraaska koroona Aqalka Madaxtooyada ee State House

Afar qof ayaa laga helay cudurka COVID-19 aqalka madaxtooyada ee State House, Nairobi.
Sida laga soo xigtay afhayeenka aqalka Madaxtooyada Kanze Dena, afarta kiis ayaa la helay ka dib tijaabooyin ku saabsan cudurka COVID-19 oo la qaaday Khamiistii, 11ka bishan Juun.
Saraakiisha cudurka laga helay ayaa la dhigey Isbitaalka Kenyatta University iyo Isbitaalka Kiambu.
“Baadhitaannada ayaa laga qaaday dhammaan shaqaalaha aqalka madaxtooyada oo uu ku jiro Madaxweynaha iyo xubnaha qoyskiisa,” ayay Kanze Dena ku tiri qoraal ay soo saartay.
Afayeenka Aqalka Madaxtooyada ayaa u xaqiijisay dadweynaha in Madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo marwada koobaad ay bad qabaan.
Dhanka kale, wadarta tirada dadka laga helay caabuqa koroona ee dalka ayaa gaartay 3,727 kadib markii 133 xaaladood la xaqiijiyay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here