Afar qof oo lagu karantiilay ismaamulka Embu

Wararka naga soo gaaraya ismaamulka Embu ayaa sheegaya in halkaas lagu karantiilay afar qof oo looga shakiyay inay qabaan cudurka COVID-19 .
Arrintan ayaa timid kaddib markii shakhsiyaadkan ay dib uga soo laabteen safar ay ku tageen dalalka Netherlands iyo Ingiriiska.
Barasaabka dowlad deegaanka Embu, Martin Wambora ayaa galinkii dambe ee shalay warbaahinta u sheegay in si dhow loola socdo xaaladda caafimaad ee afarta qof oo uunan macluumaadkooda faahfaahin .
Guddoomiyaha Embu ayaa intaas ku daray in dadkan lagu hayn doono guriyahooda muddo 14 cisho ah .
Mr. Wambora ayaa hoosta ka xarriiqay in afarta qof aynan muujin astaamaha cudurka dunida walaaca ku beeray ee Covid-19 hasa ahaate aynan guriyahooda ka sii bixi doonin si xaaladooda loola socdo.
Barasaabka waxaa uu sido kale carrabka ku dhuftay in hadii dadkan wax astaamo ah lagu arko baaritaano caafimaad lagu sameeyn doono.
Mr. Martin Wambora ayaa dhanka kale shacabka uga mahadceliyay inay maamullada ismaamulkaas ku soo wargeliyeen dadka safarrada dibadda ka soo laabtay.
Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii wato ayaa yiri shacabka si degdeg ah ayay noogu soo sheegeen innagana waxaan qaadnay tallaabada habboon.
Mr .Wambora ayaa caddeeyay in ilaa iyo hadda aynan jirin kiisas la xiriira Coronavirus oo Embu laga xaqiijiyay sidaas awgeedna aan loo baahneyn in shacabka ay walwal muujiyaan.

Dowladda dhexe ayuu ugu baaqay inay baaritaano ka sameyso ismaamullada sido kalena ay xoojiso dagaalka ka dhanka ah caabuqa iyo cudurka uu sababo.
Barasaabka Embu ayaa shaqaalaha waaxda faya dhowrka ka dalbaday inay xaqiijiyaan in muddo 30 cisho ah ay xirnaadaan goobaha lagu caweeyo .
Sido kale waxaa uu amray in suuqa qaadka ee Embu laga soo wareejiyo bartamaha magaalada oo la dhiso garoonka Embu Stadium
Guddoomiyaha ayaa sido kale sheegay in ganacsatada qaadka ay maalin kasta bixinayaan 50 shilin si loogu adeegsado maareynta nadaafadda.
Guddoomiyaha Dowladda dhexe u qaabilsan ismaamulka Embu, Cabdullahi Galgalo ayaa dhankiisa sheegay in labada heer ee Dowladda ay si dhow uga wada shaqeynayaan ka hor tagga faafitaanka cudurka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here