Afhayeen cusub oo loo magacaabay golaha wakiilada ee Nairobi

Xildhibaankii hore Makadara Benson Mutura ayaa maanta loo doortay afhayeenka cusub golaha hoose ee aqalka baarlamaanka Nairobi.
99 cod ah ayuu kaga guulaystay musharaxiintii doonaysay jagadan .
Codadka ayaa lagu dhiibtay qaab muuqaal arag ah si looga taxadaro faafitaanka xanuunka Corona Virus.
Xilkan cusub ee uu qabtay Benson Mutura waxaa banaysay Beatrice Elachi oo iyadu sheegtay inay cadaadis badan la kulantay.
Mr Mutura ayaa si deg deg ah loogu dhaariyay afhayeenka aqalka hoose ee baarlamaanka Nairobi.
Xisbiga talada dalka haya ayaa shalay mar ay kulan yeesheen ku soo xusheen Benson Mutura inuu yahay ninka kaliya eek u haboon xilkan.
Jahawareer siyaasadeed ayaa laga daremeeyay aqalka baarlamaanka hoose ee Nairobi tan iyo intii aysan iscasilin Beatrice Elachi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here