Afhayeenka ciidanka Booliiska Soomaaliya oo la Magacaabay

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Xassan maxamed Xijaar, ayaa Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed wuxuu u magacaabay Dhame Sadiiq Adan Cali (Duudishe) oo ah Sarkaal Dhalinyaro ah kana Tirsan Booliiska Soomaaliya.
War-Saxaafadees kasoo baxay Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Sarkaalka ku soo biiray Ciidanka sanadkii 2007-dii. Isla markaana soo dhameystay leyli Sarkaal muddò dhan Saddex Sano dalka dibadiisa.
Afhayeenka Cusub ee Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa ku hadla luuqadaha English, Taliyaani iyo Carabi Marka laga reebo afka Hooyo ee Soomaaliga.
Sarkaalka ayaa sidoo kale ka soo Shaqeeyay guud ahaan fadhiyada Ciidanka, Soona qabtay xiriiro dowlado Ciidanka taageera, isaga oo soo qabtay shaqooyin kala duwan, hadana xubin firfircoon u’ah Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here