Afhayeenka Cusub ee Dowladda oo la Magacaabay

Wasiirka wasaaradda   warfaafinta , isgaarsiinta iyo  teknolojiyadda  Mr. Joe Mucheru ayaa bayaan uu soo saaray  ku sheegay inuu  Cyrus Odhiambo Oguna oo horay  howlgab uga noqday  ciidamada difaaca dalka uu  u magacaabay afhayeenka dowladda.

Mr. Oguna  ayaa  sida ugu dhaqsiyaha badan xilkan kala wareegaya  Eric Kiraithe oo  5 sano ahaa afhayeenka dowladda .

Waxaa uu maarayn doonaa dhammaan   baraha isgaarsiineed ee  dowladda ee  hoos tago  wasaaradda ICT-da  .

Afhayeenka cusub ee dowladda  ayaa  si dhow ula socon doono  waxqabadka   xafiisyada warfaafineed ee  dowladda dhexe ay ku leedahay ismaamulada  kala duwan iyo  saraakiisha u qaabilsan deegaanada, xarunta qaran ee isgaarsiinta ee dowladda(NGCC) iyo wakaaladda   wararka ee  dalka ee KNA.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here