Afhayeenka dowladda dhexe oo ku baaqay in shacabka ay ka taxadaraan coronavirusspe

Afhayeenka dowladda dhexe Mr. Cyrus Oguna ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa rasmiga ee twittarka waxaa uu dadweynaha ku booriyay inaynan fududeysan cudurka COVID19.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in qof kasta laga doonayo inuu muujiyo mas’uuliyad shakhsiyeed.
Oguna ayaa sheegay in cudurka uu sii faafay kaddib markii la qaaday xayiraaddii dhanka safarrada sido kalena dib loo furay goobaha cibaadada.
Afhayeenka dowladda ayaa xusay in hadii uu qof waliba feejignaan dheeraad ah muujiyo uu badbaadin karo noloshiisa iyo bulshada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here