Afhayeenka dowladda dhexe oo laga helay cudurka COVID19

Afhayeenka dowladda dhexe Mr. Cyrus Oguna ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa rasmiga ee Twittarka ku xaqiijiyay in laga helay cudurka Coronavirus.
Waxaa uu sheegay in u ka soo laabtay howlo shaqo meel ka baxsan casimadda dalka ee Nairobi.
Mr. Cyrus Oguna ayaa xusay in cudurka uu haleelay isagoo aan lagu arag wax astaamo aan saas u weyneen ee la xiriira cudurka Covid_19.
Waxaa uu intaa ku daray in xaaladiisa caafimaad iyo midda qoyskiisa ay wanaagsan tahay sidoo kalena uu dawooyin qaadanayo.
Sido kale waxaa uu hoosta ka xarriiqay in hadda uu ku jiro meel gaar ah dhammaana dadkii ay si dhow u wada macaamileen lagu wargeliyay arrinkan.
Waxaa dadweynaha ku booriyay inaynan fududeysan cudurka COVID19 isagoona hoosta ka xarriiqay in qof kasta laga doonayo inuu muujiyo mas’uuliyad shakhsiyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here