Afhayeenka dowladda oo baaq ka soo saaray isticmaalka mootooyinka

Afhayeenka dowladda dhexe Mr. Cyrus Oguna ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa rasmiga ee twittarka waxaa uu baaq ugu diray dadka adeegsado nooca gaadiidka ee mootada.
Waxaa uu xusay in hadii aad isticmaalayso koofiyadda rakaabka mootada saaran loogu talagalay inuu gashto aad ugu horeyn iska xaqiijiso in la nadiifiyay.
Sido kale waxaa uu Mr. Oguna ku baaqay in la isticmaalo maaskaro oo aadna hubiso in qofka mootada kaxeynaya uu isna sito afxir.
Afhayeenka dowladda ayaa dhanka kale shacabka ku booriyay inay si joogto ah gacmaha ugu dhaqdaan biyo iyo saabuun.
Waxaa uu soo jeediyay in xilli roobaadka biyo badan la kaydsado si ay ugu filnaadaan qoyska.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here