Afhayeenka dowladda oo beeniyay in isbitaal la dhigay

Afhayeenka dowladda dhexe Mr. Cyrus Oguna ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa rasmiga ee Twittarka ku sheegay inay waxba kama jiraan yihiin warar la faafiyay oo ku saabsan inuu xanuunsaday oo isbitaalka loola cararay.
Mr. Oguna ayaa xusay inuu ka war helay warar la soo dhigay baraha ay bulshada ku wada xiriirto oo sheegaya in la geeyay isbitaal ku yaalla magaalada Nairobi.
Waxaa uu qoraalkiisa ku xusay inuu caddeynayo in taasi aynan sax ahayn oo uu caafimaad qabo mar dhowna ka soo laabtay socdaal shaqo oo uu kaga maqnaa caasimadda wadanka.
Jawaabta Oguna ayaa timid saacado un kaddib markii Dennis Itumbi oo horay agaasime uga ahaa waaxda isgaarsiinta ee madaxtooyada dalka uu soo qoray in mas’uulkan laga helay cudurka COVID19.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here