Afhayeenka dowladda oo ka digay in la faafiyo dacaayad ku aaddan muranka Kenya iyo Soomaaliya

Afhayeenka dowladda dhexe Mr. Cyrus Oguna ayaa shacabka uga digay inay faafiyaan waxyaabo aan xaqiiqda ku saleysnayn oo uu dacaayad ku tilmaamay oo la xariira muranka dhanka badda ee ka dhexeya wadamada dariska ee Kenya iyo Soomaaliya.
Hadalka mas’uulkan ayaa yimid kaddib markii maalinkii jimcaha ee la soo dhaafay la soo saaray warbixin baarlamaanka carabta uu Kenya ugu baaqay inay faraha kala baxdo biyaha soomaaliya.
Qoraalkaasi ayaa waxaa dowladda Kenya lagu eedeyay inay wax u dhimeyso daris wanaagga kala dhexeya soomaaliya.
Hasa ahaate Mr. Oguna ayaa sheegaya in iyadoo taasi la cuskanayo siyaasiyiin iyo dibloomaasiyiin ay xaaladda jirta buunbuuniyeen.
Waxaa uu intaasi ku daray in maalmaha soo socdo ay suurtagal tahay inay soo baxaan warbixino dacaayad ku saleysan sidaasi awgeedna la doonayo inaan lagu dagman oo la iska xaqiijiyo ilo wareedka laga soo xigtay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here