Afhayeenka dowladda oo ka hadlay baabuurkii ku dhacay badda Indian Ocean

Afhayeenka dowladda dhexe Mr. Cyrus Oguna ayaa sheegay in dowladda ay sameynayso wax waliba oo ay awooddo si loogu guulaysto in la soo helo baabuurkii maalinkii axadda ku dhacay badda Indian Ocean.
Gaarigaasi iyo laba qof oo saarnaa, hooyo iyo gabadheeda oo 4 sano jir ah ayaan hadda weli la helin.
Waxaa maalinkii saddexaad socdo howlaha baadigoobka oo ay ka qeyb qaadanayaan qaar ka mid ah waaxyaha ciidamada dalka.
Waxaa lagu raja weyn yahay in iyadoo la adeegsanaya dadka khubradda u leh kuna takhasusay quusidda biyaha la soo helo baabuurkaasi iyo meydadka labada qof.
Mr. Oguna oo dhacdadaasi nasiib darro ku tilmaamay ayaa xusay in xaaladdu aynan u fududeyn sida ay dad badan u haystaan sidaasi awgeedna saraakiisha ay dadalayaan.
Waxay dad badan isweydiinayaan sababta tan iyo maalinkii axadda ee la soo dhaafay aanan loogu guulaysan howlgalaa iyadoo la dhaliilayo waaxda adeegga feeriga ee KFS.
Balse afhayeenka dowladda oo su’aashan iyo kuwa kale oo la weydiiyay ka jawaabaya ayaa waxaa hadaladiisa ka mid ahaa

Hadalka afhayeenka dowladda dhexe ayaa ku soo aadaya iyadoo 11 ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka dalka ay dalbadeen in shaqada laga istaaajiyo shaqaalaha waaxda KFS si lagula xisaabtamo geerida Ms Mariam Kigenda iyo gabadheeda Amanda Mutheu.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here