Afhayeenka dowladda oo shacabka ugu baaqay inaynan aad isugu dhawaan

Afhayeenka dowladda dhexe Mr. Cyrus Oguna ayaa qoraal uu dhawaan soo dhigay bartiisa rasmiga ee twitarka waxaa uu dadweynaha kula taliyay inaynan aad isugu dhawaan marka ay hal meel ku wada sugan yihiin.
Waxaa uu xusay in labada qof ee isugu dhow la doonayo inay isku jiraan ugu yaraan hal miitar.
Mr. Oguna ayaa sheegay in kiisaska la xiriira firuusiga Coronavirus ay yihiin kuwo ku faafaya gudaha wadanka.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in hadda aynan jirin kiisas ku aaddan cudurka Covid19 oo ka soo gudbaya dibadda dalka.
Afhayeenka dowladda ayaa sido kale shacabka ku booriyay inay si joogto ah gacmaha ugu dhaqdaan biyo iyo saabuun ama gacma nadiifiyaha loo yaqaano Hand Sanitizer.
Dadweynaha ayuu uga digay in iyagoo aan gacmaha dhaqan ay ku taabtaan indhaha, sanka iyo afka.
Sido kale Mr. Oguna ayaa ku talinaya in si joogto ah loo nadiifiyo waxyaabaha iyo meelaha sare ee ay gacanta qofka gaarto ama taabato.
Tani ayaa ku soo aadaysa iyadoo wasiirka wasaaradda caafimaadka ee dalka Mr. Mutahi Kagwe uu shalay sheegay in ilaa iyo hadda gudaha wadanka laga xaqiijiyay 50 kiis oo ah cudurka Covid19.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here