Afhayeenka golaha hoose ee Migori oo sheegay inuu naftiisa uu cabsi qabo

Guddomiyaha golaha hoose ee ismaamulka Migori Boaz Okoth ayaa sheegay in noloshiisa ay qatar ku jirto kaddib markii xoghayaha guud ee xisbiga ODM Edwin Sifuna la sheegay in uu hoggaaminayay weerar lagu qaaday guriga afhayeenka wakiilada ee ismaamulkaasi xalayto abaaro 11 habeenimo.
Afhayeenka ayaa sheegay in jiraan dad uu soo kireystay Edwin Sifuna islamaarkaana ay dhaawac u geysteen qaar ka mid ilaaladiisa.
Afhayeenka oo arrinta ku wargeliyay booliska ayaa sheegay in uu xanuunsanaa muddo shan bilood ah, isagoo intaa ku daray in uu ka soo kabanayo qalliin dhawaan lagu sameeyay.
Dhacdadan ayaa xiriir la leh qorshaynta xil ka qaadista lagu wada guddoomiyaha ismaamulka Migori Okoth Obado taas oo maalmo ka hor shir ay yeesheen xisbiga mucaaradka ee ODM ay ka soo saaray go’aan ah in wakiillada golaha hoose ee ismaamulka Migori ay billaabaan geedi socod xilka guddoomiyanimo ee dowlad deegaankaas looga xayubinayo.
Guddomiyaha golaha hoose ee ismaamulka Migori Boaz Okoth ayaa dhanka kale yiri “afhayeen ahaan ma ahan inaan ka doodo ama u codeeyo laakiin kaliya waxaa uu sharciga ii ogol yahay inaan maamulo howlaha aqalka hoose ee wakiilada”
Xoghayaha guud ee xisbiga mucaaradka ee ODM , Edwin Sifuna ayaa gaashaanka u daruuray eedeyntaasi uga timid afhayeenka golaha hoose ee Migori isagoona sheegay in arrintaasi waxbo uusan ka ogeyn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here