Afhayeenka madaxtooyada dalka oo ka hadashay shaqa la’aanta dhalinyarada

Afhayeenka madaxtooyada dalka ee State House Mrs. Kanze Dena Mararo ayaa shaaca ka qaadday in shaqa la’aanta ay wajahayaan dhalinyarada wadanka aynan ahayn mid iyaga ku kooban oo keliya balse caqabad caalami ah.
Waxay da’ayarta ugu baaqday inaynan diiradda saarin sidii dhammaantood ay u heli lahayeen shaqooyinka xafiisyada.
Kanze ayaa dhalinyarada ku boorisay inay ku dadaalaan ganacsiga si ay ugu suurtagasho inay si iskood ah u shaqeystaan.
Sido kale waxay dhammaan dadweynaha kula talisay in ay dowladda dhexe iyo ismaamulada garab ku siiyaan la dagaalanka musuqmaasuqa.
Afhayeenka madaxtooyada dalka ayaa dhanka kale sheegtay in shirkadaha sonkorta soo saaro ee dalka ay caqabado dhowr ah wajahayaan.
Waxay hoosta ka xarriiqday in la sugayo warbixinta guddi uu soo dhisay madaxweyne Uhuru Kenyatta si talooyinka ay soo jeediyaan loogu tallaaba qaado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here