Afhayeenka madaxtooyada dalka oo ka hadashay waxqabadka dowladda

Afhayeenka madaxtooyada dalka looga arrimiyo ee State House Mrs. Kanze Dena oo faahfaahin ka bixinaysa waxqabadka maamulka talada haya ee Jubilee ayaa sheegtay in mashruuca khadka casriga ee tareenada ee SGR-ka uu fursado shaqo u abuuray dhalinyaro badan oo Kenyaan ah.
Xilli ay saaka marti ku ahayd idaacadda GhettoRadio ayay Mrs. Dena hoosta ka xariiqday in madaxweyne Uhuru Kenyatta ay ka go’an tahay kuna dadaalayo sidii dhalinyarada dhaqaale ahaan loo horumarin lahaa.
Waxay tusaale u soo qaadatay lacagaha Youth Fund iyo Uwezo Fund oo ay ugu baaqday dhalinyarada jecel ganacsiga inay ka faaiidaystaan oo ay codsadaan.
Sido kale da’yarta ayay ku boorisay inay iska ilaaliyaan in loo adeegsado siyaasadda oo ayna madaxweynaha garab ku siiyaan mideynta shacabka ee loo marayo guddiga dib u heshiisiinta ee BBI
Waxay intaasi ku dartay in dowladda dhexe ay ku howlantahay in la sameeyo keydka maamulka qaran ee shaqaalaysiinta si dhalinyarada shaqo doonka ah ay isaga diiwaangaliyaan bartaasi.
Afhayeenka madaxtooyada dalka ayaa intaasi ku dartay in sare loo qaaday dagaalka ka dhanka ah musuqmaasuqa iyo badeecooyinka kontarabaanka ah ee wadanka sida sharci darrada ah lagu soo galiyo.
Si nolosha dhalinyarada loo horumariyo ayay Kanze Dena sheegtay in dowladdu ay xoogga saarayso farsamada gacanta oo da’yarta u fududayn karto inay lahadaan xirfado ay ku shaqeysan karaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here