Africom oo faahfaahin ka bixisay duqaymo ay ka fuliyeen gobolka Baay

War-saxaafadeed ka soo baxay taliska Ciidamada Maraykanka ee ku sugan qaarada Afrika ee loo yaqaano (AFRICOM) ayaa waxaa faah faahin looga bixiyay duqeyn dhinaca cirka ah oo uu Mareykanka ka fuliyey deegaan ka tirsan Gobolka Baay ee koonfurta dalka Soomaaliya.
War Qoraal ah oo Africom ka soo baxay ayaa lagu sheegay in Ciidamada Mareykanka oo kaashanaya Saaxiibadooda Soomaaliya ay 27-kii Bishaan duqeyn dhinaca cirka ah ka fuliyeen deegaanka Buula fuulaay oo ka tirsan gobolka baay ,isla markaana ay la beegsadeen Xubno ka tirsan dagaalameyaasha Al-Shabaab.
Weerarkaas ayuu Mareykanku sheegay inay ku dileen laba Xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab,sidoo kalena ay ku taageerayeen Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee dagaalka kula jira Ururka Al-Shabaab,sida uu sheegay kuxigeenka agaasimaha howlgalada, Taliska Mareykanka ee Afrika Janeraal Miguel Castellanos.
Sidoo kale mareykanka ayaa sheegay in qiimeyn ay sameeyeen lagu ogaadey in dad rayid ah aysan wax ku noqon duqeyntaas ay ka fuliyeen deegaanka ka tirsan Gobolka Baay ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Al-Shabaab oo dhankooda ka hadley duqeyntaas ayaa sheegay in laba Gantaal ay deegaanka Buula Fuulaay ku garaacdey mid kamid ah diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Mareykanka,isla markaana ay ku dhinteen laba Qof oo Shacab ah sida warka shabaabka lagu yiri.
War-Saxaafadeed dowladda Soomaaliya dhankooda kasoo baxey oo looga hadley duqeyntaas ayaa waxaa lagu sheegay in weerarkaas lala beegsadey Xarumo Al-Shabaab ay gobolka Baay ku lahaayeen,isla markaana looga diley laba Xubnood oo iyaga ka tirsanaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here